Close Menu
Abdiaziiz Ahmed Ali

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Macroeconomic Factors Affecting External Debt in Somalia

    March 25, 2024

    Mastering Your Personal Finances: 11 Proven Strategies for Building Wealth

    February 8, 2024

    Why Digital Banking is the Future: A Deep Dive into Finance’s Evolution

    October 10, 2023
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp Telegram
    Abdiaziiz Ahmed AliAbdiaziiz Ahmed Ali
    • Home
    • Finance
    • Economics
    • News
    • Storytelling
    • Education
    Youtube
    Abdiaziiz Ahmed Ali
    Home » Sheeko faneed: Waxbarasho Haween, waa lagu Badhaadha.
    Storytelling

    Sheeko faneed: Waxbarasho Haween, waa lagu Badhaadha.

    Abdiaziz Ahmed AliBy Abdiaziz Ahmed AliDecember 15, 2022Updated:February 8, 2023No Comments5 Mins Read
    Share Facebook Twitter WhatsApp Telegram Email LinkedIn
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Waaga ayaa dilaacay Waa aroor hore oo cadceedu weli ma soo bixin iftiin badan majiro, waxaa jirta daruur dagaal kula jirta iftiinka waa berriga. cirku waa qam waxa uu umuuqdaa mid roob cukan.majiraan dabeeylihii boorka watay ee xiliyada rooboowga. markiiba neecaaw dabacsan ayaa soo dhacday.waxa xigay Roob xoog leh oo saameeyn ku yeeshay Dadka tabarta daran ee magaalada. Bulshada inteeda badan waxa eey isugu soo baxeeyn buundo liiqliiqato oo ah bartamaha magaalada Beledweyn. Waxa eey Ku waa bariisteen bullada iyo ciyaaraha, iyaga oo soo dhaweeynaya curashada gugga. Saakayna Siraad sida maalmaheeda caadiga ah waxa eey u kalaheeysaa iskuulka. Siraad waa gabadh dheer oo midabkeedu maariin yahay hilib buurni xiga ayaa eey leedahay, sanqaroorka dheer ee gamaanka lamoodo, indhaha iyo suniyaasha isku ladhan, afka culayga ah iyo ilkaha dhuuxa u’eg ayaa badh ka ah quruxda Rabi Ku galladay.Siraad ma aha dadka turukada badan oo saacad labista saacad kalana muraayada isku eega. sodon mirir kadib waxa eey ka siibaxday albaabka gurigooda iyada oo garabka Ku sidata boorso dheer oo eey Uga buuxaan buugaag. Dhexda dhuuban ee taako qabadka ah iyo socodkeeda dheeliga tiran ayaa dhameystiraya quruxdeeda.
    Siraad hada waxa eey dhigataa dugsiga sare. waxa eey mareeysaa fasalkii ugu dambeeyay ee dugsiga sare. Waa 18 jir. Waa Agoon aabaheed uu geeriyooday iyada oo sagaal jir ah kagadaal markii mudo shan sanadood ah uu Ladagaalamayay xanuun daran oo ugu dambeeyntii geeri u horseeday.
    Iyada iyo labo walaalaheed ahba, wiil iyo gabadh kale, waxa soo korisay oo Ku cidiyo muruxday hooyadood Suuban oo inta qof nolasha dhib Ku muteeysto La soo martay. Labada caruur ee kale wax ma bartaan, waa tan koobaadee hooyadood ayaa xoogooda ka maarmi weeysay ; mida xigta Suuban ma heli karto dhaqaalo eey dhamaan ubadka waxbarasho kaga bixiso, sidaa darteed ayeey Siraad nasiib u yeeelatay in eey noqoto qofka qura ee qooyskooda wax u barta. Siraad gelinka hore ayeey aadaa dugsiga, gelinka eey fursada heeysana waxa eey caawisaa hooyadeed Suuban oo shidaal Ku iibiso mid kamid ah isgooysyada magaalada. Siraad waxa eey ka fikireeysaa waxa eey sameeyn doonto dhoowr bil kadib marka eey idleeyso wax barashada dugsiga sare, waayo waxa eey garawsantahay in dhaqaalaha qooyskoodu uusan ka badneeyn nolal maalmeedkooda. Taasi ayaa ah waxa eey ka jiifsanweeyday. Waa inan Hanweeyn oo caashaq mug weeyn u qabta waxbarashada; waxa eey aaminsantahay hadii eey Jaamacad Ku biiri weeydo in hamigeedu moodku ka adeegan doono!
    Waxuu waqtigu is guraba Waxaa La gaaray maalintii lawada sugayay ee qalin jebinta dugsiga sare. Farxada xaflada waxa uga labo naxdin badan waxa dhici doono mustaqbalka iyo Halka uu Ku dambeyn doono ayaaheeda waxbarasho.
    Hooyo Suuban ayaa waxa eey u ambabaxday guriga walaasheed ka weeyn iyo guryo kale oo eey daganaayeen haween eey saaxiibo aad isugu dhaw ahaayeen Si eey uga talo weeydiiso arin maskaxdeeda Ku soo dhacday oo aheeyd in gabadheeda Siraad eey u iibiso booska kaliya ee uu aabahood kaga geeriyooday Si eey waxbarasho dibada ugu dirto.
    Dumarkii ayaa si wada jir ah Ku qeeyliyay
    Na maad waalatay mise waad soo wadataa!
    Na miyaadan ogeeyn in jaamacad gabdheed jiko u dambeeyso ayeey u raaciyeen
    Suuban ayaa ugu jawaabtay hablihii, inanteeyda Aniga ayaa xog ogaal u ah hamiga iyo jaceeylka eey u qabto waxbarashada oowgeed habeenkii xitaa ma gama’do.
    Mar kale ayaa waxa eey Ku yiraahdeen; naa Adhi waa isku xeer oo hantidan maguurtada ah ha is dhaafinin oo adiga iyo caruurtaadana dayac ha is dhigina inantu waa dumar oo waxaaba laga yaabaa in eey beriba nin iska raacdo sidii hablaha kalaba weligood lagu yaqaanay. Hasa yeeshee Hooyo Suuban dhamaan hadaladaas dhag jalaq umeeysansiin. waxa eeyna go’aansatay in eey inanteeda ka ilaaliso Han jab iyo wax kasta oo dib u dhigi kara.
    Habeenkii marka uu qooysku wada casheeyay ee ay caruurta kale seexdeen ayaa eey Hooyo Suuban gabadheeda Siraad war uga bilawday.
    -beri baasaboor soo sameeyso.
    Sabab Hooyo ayeey Ku war celisay siraad?
    -waxbarasho dibad ayaan kuu dirayaa.
    ma kaftameeysaa Hooyo sideey wax u jiraan ?
    -Waxa aan iibiyay booskii dhaxalka ee aabahaa ka geeriyooday.
    Walaalaheey miyaan laga talo gelin Hooyo?
    -Talo eeynan iyaga ogeeyn lama keliyoobin.
    Labo bilood iyo maalmo ka bacdi siraad waxa eey ka dhooftay garoonka dayuuradaha ee magaalada, iyada oo usocota safar waxbarasho oo dibada ah. waxa eey ka walaacsaneeyd laqabsiga dhaqanka iyo cunada wadankaas ajnabiga ah, balse nasiib Wanaag waxa eey Siraad halkaa kula kulantay wiilal iyo hablo soomaaliyeed oo iyaguna halkaa safar waxbarasho u joogay oo si heer Sara ah u soo dhaweeyay.
    Waxa eey halkaa Ku Maqneeyd muddo afar sano ah iyada oo kala soo laabatay Cilmi eey abidkeed caashaqsaneeyd, waa culuumta Maamulka ganacsiga “business adminstration”.
    Siraad markii eey dalka Ku soo laabatay waxa eey isla markiiba Si dhib yar shaqo kaga heshay Heey’ado gacan Saar La leh umadaha midoowbay. afafkii qalaad ee eey soo baratay ayaa u sahlay shaqada nuucan ah.Waxa eey taasi horseeday in nolasheedii iyo tan qooyskeedii tayo ahaan eey wanaagsanaato.
    In kasta oo eey kamid aheeyd facii Ku soo barbaaray saban uu dhaqaalaha dalka aad u yaraa hadana waxa uu ilaahay qadaray in eey noolaato xili eey Soomaalida dhaqaalaheedu kobcay. Hada Waxa eey Soomaaliya kamid tahay Wadamada barwaaqa soo ranka ee ceeynaanka u haya dhaqaalaha aduunka. Ku noolaanshiya labadaa xili oo aadka u kala fog sida cirka iyo dhulka oo kale, ayaa Siraad u horseeday in eey latimaado halabuur ganacsi oo leh macaash badan. Hooyo Suubantii cidiyuhu murxeena waxa eey hada Ku Soo cumreeysataa sanad walba magaalada barakeeysan ee Maka Iyada oo halkaa Ku soo soonta shan iyo tabanka dambe ee bisha barakeeysan ee Ramadan. Siraad waxa eey reerkoodii u horseeday Liibaan aduunyo, barwaaqo iyo badhaadho nolaleed oo qof kastaayi majeerto.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp Telegram Email
    Previous ArticleMa deegaanku baa isku dabci naga dhigay?
    Next Article Business Opportunities of Fishing Sector in Somalia.
    Avatar
    Abdiaziz Ahmed Ali
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)
    • Pinterest
    • Instagram
    • LinkedIn

    Related Posts

    Storytelling

    Ma deegaanku baa isku dabci naga dhigay?

    December 15, 2022
    Storytelling

    Godob hooyo laga galay

    May 8, 2017
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Top Posts

    Unleashing Somalia’s Economic Potential: Analyzing the 2022 GDP Report and Strategies for Transformational Growth

    July 6, 2023140 Views

    “Top 5 Online Business Ideas for Entrepreneurs in 2023”

    August 26, 202391 Views

    Does Private Education Serves Public interest.

    December 19, 202275 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • Telegram
    • WhatsApp
    • TikTok
    • Twitter
    • Instagram
    Latest Reviews

    Subscribe to Updates

    Get the latest tech news from FooBar about tech, design and biz.

    Most Popular

    Unleashing Somalia’s Economic Potential: Analyzing the 2022 GDP Report and Strategies for Transformational Growth

    July 6, 2023140 Views

    “Top 5 Online Business Ideas for Entrepreneurs in 2023”

    August 26, 202391 Views

    Does Private Education Serves Public interest.

    December 19, 202275 Views
    Our Picks

    Macroeconomic Factors Affecting External Debt in Somalia

    March 25, 2024

    Mastering Your Personal Finances: 11 Proven Strategies for Building Wealth

    February 8, 2024

    Why Digital Banking is the Future: A Deep Dive into Finance’s Evolution

    October 10, 2023

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook YouTube X (Twitter) TikTok WhatsApp
    • Home
    • Get In Touch
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2025 Abdiaziiz Ahmed. Designed by Caafi Graphics.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    We use cookies to ensure that we give you the best experience on our website. If you continue to use this site we will assume that you are happy with it.Ok