Close Menu
Abdiaziiz Ahmed Ali

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Macroeconomic Factors Affecting External Debt in Somalia

    March 25, 2024

    Mastering Your Personal Finances: 11 Proven Strategies for Building Wealth

    February 8, 2024

    Why Digital Banking is the Future: A Deep Dive into Finance’s Evolution

    October 10, 2023
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) YouTube WhatsApp Telegram
    Abdiaziiz Ahmed AliAbdiaziiz Ahmed Ali
    • Home
    • Finance
    • Economics
    • News
    • Storytelling
    • Education
    Youtube
    Abdiaziiz Ahmed Ali
    Home » Godob hooyo laga galay
    Storytelling

    Godob hooyo laga galay

    Abdiaziz Ahmed AliBy Abdiaziz Ahmed AliMay 8, 2017Updated:February 8, 2023No Comments6 Mins Read
    Share Facebook Twitter WhatsApp Telegram Email LinkedIn
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Xaawo luul waa innan 15 jir ah waxa eey Ku dhalatay kuna barbaartay waddan duruufo adag  eey ka  jiraan gaar ahaan dhanka caafimaadka, dadkuse kale roon oo duruufaha uma sina xaawo iyo qoyskeda waxa eey ka mid yihiin bulshada inteeda ugu tabarta daran. Xaawo waa xaas oo waxa eey u dhaxdaa Xasan, Xasan waa ma shaqeeyste oo maalintii oo idil waa uu hurdaa habeenkiina waa uu qayilaa waa sababta loogu naaneeyso Xasan xoolo. Qooyska waxa u dhaqdhaqaaqa xaawa luul. waaga marka uu cadaado waxa eey u amba baxdaa magaalada si eey u soo shaqeeyso waxa eey maalintii soo shaqeeysana habeenkii ayeey dabka Ku shubtaan. Maantase maalmahii hore kaduwan oo xaawo luul suurta gal uma aha in eey magaalada u shaqo tagto waayo waa xaamilo oo waxa galay shinkeedii waxaana la gaaray waqtigii loogu heesay; 

    Habeenkii wuu dhaqaaqay 

    Sadkaagiina wuu dhamaaday 

    Dhexdeediyo feeraheeda 

    Hadaad soo dhaafi weeydo 

    Dhimasho kama baxsaneyso 

    Dhamoow waxa nala wanaagsan

    Ineey dhaqso kala timaadee

    Ha dhibin hooyadaa

     Ee Soo  dhalo. 

    Xaawo luul waxa eey u wacatay hooyadeed xaliimo suuban maadama eey aheeyd gabadh ugub ah waqti yar kadib waxa loola cararay isbitaal Ku yaala dhanka koonfureed ee magaalada, waxa eey si dhakhso leh Ku gaareen isbitaalkii eey doonayeen waxa eeyna orad Ku galeen qolka gargaarka dag daga ah, Hooyo suuban Garbo saarka inta uu ka dhacay ayeey labada garab midkood Ku sidataa, kabaha eey xidhneeyd midkood waa eey go’neyd Laakiin waa eey Ku socotay. Warwar Hooyo ayaa korkeeda ka muuqday dareenka laabteeda ka oognaa waxa laga dheehanayay korkeeda, Mar waxa eey eegeeysay gabadheeda mar kalana ilmaha uurka Ku jira. Markiiba waxa loo dhaadhiciyay Dhanka iyo qolka qalniinka. Nin sita dhar cagaar ah ayaa kaga horeeyay markii sariirta la saaray ayaa waxa uu war ugu bilaaway aaway resiidkii aad Lacagta Ku soo bixiseen. Hooyo suuban ayaa  ugu warcelisay hooyo weeynu bixin doonaa ee inoo hoowlgal. 

    Fiq dhakhtarkii ruux askari ayuuba yeeshay! Aaway kalkaaliyaashii IGA bixiya dadkan ilaa eey Lacagta bangiga kaga soo shuubaan la iima soo xareen karo erayadaas iyo kuwa kale oo Canaan ah ayuu is dabadhigay. Waana laga saaray qolkii qalniinka.

    Hooyo suuban yaab iyo amakaagbaa ka soo haray. Lax dhukun abaar Moog dhakhtarku maba oga in dadkan magaca Bangi eey barashadiisu u dhimantahay! maalintiina waxa eey soo shaqeeystaan eey habeenkii dabka saartaan. Irridaha eebaheey hal mar mawada xirmaan oo markiiba mid kamid ah kalkaaliyaashii ayaa u tilmaantay WAAX ka tirsan isbitaalka oo eey Ku dul qorneeyd Waaxda tobabarada iyo qalniinka. Waxa eey irida ka soo galeen goobtii tilmaanta lagu siiyay horary beey u sii dhaqaaqeen waxa eey isha mariyeen sariiraha hoowlka yaalay bal in eey Ku dhax arkaan qof adeego caafimaad, hayeeshee indhahoodu ma eeysan qaban waxa aanan ka aheeyn ubad kalxamahoodu soo baxeen, hooyooyin kor tuban Iyo agab wada gaboobay. Intaas oo dhan war uma heeyso Hooyo suuban waxa eey kolba hoos u eegtaa inantan aan afka isku qabaneynin xanuunka foosha oowgeed. Weli meeysan arag Cid shaqaalo ah oo caawisa. Sariiraha u shisheeyo ee hoowlka waxa jiifta gabadh cad oo buuran sidatana dharka kalkaalisanimada. Si halhaleel leh ayaa eey ugu tagtay waxa eeyna ka codsatay in eey caawiso iyada oo hadalkeeda laga dheehanayo walaac iyo walbahaar tiro badan. In eey u damqato iskaba daayee u meeysan muujin in yar oo naxariis ah waxa eeyna Ku hadleeysay taleefoonkeeda gacanta. Waxa eey cod dheer Ku qaadeeysay erayo kamid ah heesta eey Ku luuqeeyso Aamino C.laahi Oo aheeyd; 

    Ha igu samir darnaanine 

    Adigoon sal fududaanino

    Saluugin waayaha 

    Aniguba saq iyo waa 

    Sidaan kuugu go’ayaan 

    Sahankeed Ku maqanahee 

    Kuma seexan weligeey 

    Sedex igu walaahi ah 

    Siraan kugu dilaayee

    Sahwiyoo jaceeylkuna 

    Siduu adiga kugu yahay 

    Ayaan kuula simanee 

    Cida eey la hadleeysay waxa uu ahaa saaxiibkeed oo Ku noolaa Qurbaha, waxa eey ku dadaaleeysay in eey kasbato inankan hankiisaba uu Ku egyahay inyar Oo ceeyr ah oo uu ka qaato xerada uu ku noolyahay. Hooyo suuban se waxa eey u maleeyneysay in innanta eey si toos ah ugu jirto barnaamijka codkaaga tijaabi ee ka baxa idaacadaha magaalada. inta eey afka maroojisay ayeey si hoose u tiri idaacadaha tirada badan dadku maxeey waaleen. Hoowl gudasho halkeeda ha joogtee u meeysan jawaabin xitaa iyada oo aan sariirta ka soo degin ayeey gacanta ugu ishaartay Qol dhanka bidix ka xigay.

    Dantu waa dabar adag oo cadowgaga ayeey lugaha kaga xirtaa waa sababtaas mida hooyadan iyo inanteeda Ku sanduleeyay in eey nafta kula eertaan Cid aan daneeyneeyn, waa Dan iyo baahi waxa Ku khasbayo in eey ka dhursugaan gabadha firaashka eey Ku jiifto ka Jecel badbaadinta naf daryeel li’i u dhiman rabto. 

    Hooyo suuban waxa eey inanteedii xaawo luul u dhaqaajisay dhankii eey inantu u tilmaantay iyada oo labadeeda gacmood Ku riixeysa labadeeda maash niyadana iska oraneeyso maxaa qof kastaba isaga indha tirayaa waxa qofka kale u roon, miyaan ruuxa tabarta daran ee laga dhaqaalo roonyahay tixgeliba mudneeyn. Dabadeed Waxa eey is aragtay iyada Oo kadinka ka gashay qolkii loo ishaaray waxa eeyna naawileysa in kolkan Cid arxan lihi eey qolka kula kulanto. 

    Afar gabdhood oo kalkaaliyaal ula muuqday ayeey kula kulantay qolkii eey soo gashay dhamaan gabdhaha waxa eey ka baxsanaayeen jawiga aadamaha ee caadiga ah, Qaar baa indhahoodu guduud naayeen qaar kalena wejigooda waxa ka muuqday murugo iyo daal tiro badan . inta eey Hooyo suuban midba mar milicsatay ayeey gargaar weeydiisatay. Waxa eey Ku amreen in eey banaanka u ubaxdo si eey hoowshooda u qabsadaan. innantii ugubka aheeyd waxa la saaray sariirtii waxaana lagu xiray hawada noolaha uu jiido ee loo yaqaano “Oxygen”. 

    Waxa eey bilaaween in eey ka umuliyaan iyaga oo oranaya KOOW, LABA, SEDEX, sida iyaga oo ceel walwaaleed shubaya.Gabdhahaas ayaa waxa eey ahaayeen gabdho dhigta jaamacad marayana sanadkii sedexaad ee jaamacada.

    Waxaa meesha ku sugnaa gabdh kale oo ka shaqeeyneysay naadaafada goobta waxa eeyna arkeeysay godabta meesha ka socoto. Gabadhan waxa eey shaqadan ka shaqeeyneeysay muddo shan sanadood ah waqtigaa tirada badan oo eey ku dhexjirtay hoowshan ayaa u sahlay in eey wax badan ka barato arimaha la xiriira gargaarka dagdaga ah. Waxa eeyna u sheegtay in inanta oxygen ta mar horeba ka baxday si arxan lehna eey u eegaan.

    Waxa eey ugu jawaabeen iskoobahaaga ka adkoow. laakiin Mudo kadib waxa eey arkeen waxii eey oga digeeysay gabadha ka shaqeeyneysay nadaafada waxa eeyna Ku baraarugeen hooyadii ugubka aheeyd oo waqti hore nafbaxday. Alla meey dhimatay! Ajasheedaa intaa Ku ekeeyd iyo erayo kale inta eey isku dareen ayeey ka dhaqaaqeen. Hooyo suuban waxa eey Ku noqotay arinkaa nabar lama filaan  iyo naxdin maguurto ah inta eey jilbaha dhulka suratay ayeey oohin jabsatay waxa eeyna Ku calaacashay alla maxaan Nolasha Ku sarfaaday.

    Share. Facebook Twitter WhatsApp Telegram Email
    Next Article Ma deegaanku baa isku dabci naga dhigay?
    Avatar
    Abdiaziz Ahmed Ali
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)
    • Pinterest
    • Instagram
    • LinkedIn

    Related Posts

    Storytelling

    Sheeko faneed: Waxbarasho Haween, waa lagu Badhaadha.

    December 15, 2022
    Storytelling

    Ma deegaanku baa isku dabci naga dhigay?

    December 15, 2022
    Add A Comment
    Leave A Reply Cancel Reply

    Top Posts

    Unleashing Somalia’s Economic Potential: Analyzing the 2022 GDP Report and Strategies for Transformational Growth

    July 6, 2023140 Views

    “Top 5 Online Business Ideas for Entrepreneurs in 2023”

    August 26, 202391 Views

    Does Private Education Serves Public interest.

    December 19, 202275 Views
    Stay In Touch
    • Facebook
    • YouTube
    • Telegram
    • WhatsApp
    • TikTok
    • Twitter
    • Instagram
    Latest Reviews

    Subscribe to Updates

    Get the latest tech news from FooBar about tech, design and biz.

    Most Popular

    Unleashing Somalia’s Economic Potential: Analyzing the 2022 GDP Report and Strategies for Transformational Growth

    July 6, 2023140 Views

    “Top 5 Online Business Ideas for Entrepreneurs in 2023”

    August 26, 202391 Views

    Does Private Education Serves Public interest.

    December 19, 202275 Views
    Our Picks

    Macroeconomic Factors Affecting External Debt in Somalia

    March 25, 2024

    Mastering Your Personal Finances: 11 Proven Strategies for Building Wealth

    February 8, 2024

    Why Digital Banking is the Future: A Deep Dive into Finance’s Evolution

    October 10, 2023

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook YouTube X (Twitter) TikTok WhatsApp
    • Home
    • Get In Touch
    • Privacy Policy
    • Terms and Conditions
    © 2025 Abdiaziiz Ahmed. Designed by Caafi Graphics.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    We use cookies to ensure that we give you the best experience on our website. If you continue to use this site we will assume that you are happy with it.Ok