Maalin sanadkii 2019 kamid ah ayaan codsi geeystay iskuul kuyaalo magaalada muqdisho oo aan ku maqlay in eey shaqo macalinimo kabanaantahay. Markii aan tagay maamulihii ayaan is aragnay waxa uu ifariisiyay kursi meel barxada ah yiilay. Aniga iyo qof kale ayaa ku fadhinay kursiga oo ahaa midka eey ardayda ku fariistaan isaga ayaa na soo sedexeeyay madaama uu kursigu sedex qaad ahaa. Islamarkiiba waxaa meesha soomaray labo gabdhood oo ardayda kamid ah maamulihii ayeey salaameen. Mid kamid ah ayaa waxa eey ku tiri hebeloow iyada oo magaciisa ugu waceyso heblaayo weey kaa dhuuman rabtaa. Si baan ualayaabay hadalkaa ixtiraamka ka maran meey maamulo ama macalin hebel tiraahdo baan niyada iska iri. Inta uu inantii ujawaabay buu ku yiri iga tagi meeyso heblo tii kalana ayuu udaba dhigay quruxeey ha iga tagin yaa. Maamule ardaydiisa eray suuqeedkaas kulahadlayo waxa eey igu noqotay arin aan layaabay. Waxuusa kasii daray marka uu kadabo orday isaga oo ku qeeylinaya quruxeey isug. Mudo 15 daqiiqo kudhaw ayaan sugeeynay aniga iyo qof kale oo i ag fadhiyay.
Kadib waxa aanu tagnay qol eey kujiraan macalimiin loogu talo galay in eey qiimeeyaan xirfadeyda macalinimo iyo aqoonta aan u leeyahay maadada inta uusan iskuulka iqaadanin kahor, aniga se qiimeeyn gooni ah oo eeysan cidna iidirsanin baan bilaabay kadib kulankii aan maamulaha iskuulka kulanay. Markii eey qiimeynta dhamaatay oo aan ka soo baxay albaabka iskuulka baa la isoo wacay waxa la igu wargeliyay in la iqaatay oo aan soo laabto si aan ugu hishiino arimaha haray oo uu kamid yahay Mushaarka. Ugu dambeeyn waan heshiinay muumalaha waxa uu iga codsaday in aan galabta Horay aan usii gato buugta Manhajka ah oo aan beri wax kadhigi doono. Waxa aan weeydiyay sababta waxa uu igu yiri buugtii Maadadan laga dhigayay ee uu iskuulka lahaa waxaa horay usii qaatay macalinkii madadan dhigayay. Qof aan garanayay baan ka soo qaaday buugaag waxa aan usheegay in uu soo tuuro kharashka buugaagta. Wuu kameereystay ana waan isaga haray waxa eeyse igu abuurtay su,aal ah qofka kharashka buugtii aad wax ugu dhigeysay bixin la’ sidee ayuu ubixin doonaa mushaarka?!
Aniga oo uu tuhunkaas igu jiro baan shaqo bilaabay. Maliintii koobaad jadwalka shaqadeyda ee malinlaha ah ayaan bilaabay xiisadii koowaad ayaan galay. Waxa aan ugalay arday fasalka 9aad ah aad beey uyaryaraayeen aadna weey ubuuqayeen buuqoogii waan xakameeyay cashirkiina waan udhigay fasal kasto oo aan galay waxa uu lahaa cilad gooni ah laakinse kuwani waxa eey ahaayeen kuwa ugu cilada yaaraa oo ciladooda buuq kaliya ayeey aheeyd xisadii ku xigatay waxa aan ugalay fasalka 10aad maamualaha oo bir dheer sita ayaa ila socda inta uusan warka bilaabinba waxaa soo istaagay arday waxa uu igu yiri ” macalin barasho wanaagsan aniga waxa aan ahay ardayga ugu foowdlada iyo dhibka badan ee galasska”! Waad waad wanaagsantahaye fariiso ayaan ugu warceliyay. Maamulaha ayaa bilaaway in uu ardayda lahadlo waxa uu u sheegay in aan udhigi doono maadada juquraafiga anigana waxa uu igu yiri “macalin fasalkan waa fasalka ugu dhibka badan ee hadii eey ku dhibaan isoo sheeg” inta aan qalbiga ka qoslay baan niyada ka iri ku soo sheegi maaye ugu yaraan waan iska sasabayaa. Wakhtiga xiisada oo idil waxa aan kubixiyay maalintaa isbarasho iyo in aan ardaydaa u sheego in eey noqon karaan fasalka ugu fiican iskuulka.
Xiisadii ku xigtay oo aheeyd xiisada Bareega kahoreysay waxa aan lahaa nasiino. maamulaha ayaan weeydiyay aaway xafiiska macalimiinta waxa uu igu yiri wuu xiranyahay oo lama furo bareega kahor. Waxa eey noqotay in aan nasiino ku yara qaato kurisi meel barxada ah yiilay. intii aan fadhiyay kursigaa ayaa waxaa soomaray arday aan ku qiyaasay labaatameeyo. maalmulaha ayaa soo dhaweeyay waxa uuna geeyay qol kamid ah fasalada. Maamulaha iyo kuxigeenkiisa oo oo isla taagan ayaa iyeeray maamulihii ayaana igu dhahay “Macalin arday cusub oo ka soo goosatay iskuul agteena ah ayaa inoo yimid ee inoo madadaali Xiisadan adiga kaliya ayaa firaaqo hayee”. Waan ka aqbalay. Kuxigeenkiisii baa dood ka keenay oo waxa uu yiri “macquul ma aha in macalin nagu cusub aan u dirno arday hada noo soo goosatay” . Ugu dambeen se weey igu soo laabteen oo waxa eey igu dhaheen orad Ustaad noo madadaali. Waan madadaaliyay waxa aan weeydiyay sababta eey usoo goosteen. Waxa eeyna iishegeen in eey Maamulka isfahmi waayeen. Maadama Maamulka iskuulka eey cabsi ka qabeen cusboonaanteyda ayaan uga gaabsaday in aan sii weeydiiyo su’aalo kale.
Bareega markii lagaaray ayaa la furay xafiiskii macalimiinta, waa goob eey yaalaan labo kuri oo dhaadheer iyo hal miis oo eey ku dhextaalo suuli aan biyo laheeyn. Mid kamid ah macalimiinta ayaan weeydiayay maxaa xafiiska loo xiraa xiliyada kale waxa uu igu yiri in ardayda eey agabka jijibiyaan baa laga baqayaa hadii lafuro xiliyada kale. Xafiiska waxaa la keenay shaah macalimiintana waxa eey iska sugayaan hal koob oo eey rabaan in shaaha kuwada cabaan si eey u helaan tamar eey dib ugu shaqo galaan.
Xiisadihii baa dib ubilaawday dhoor xiiso oo kale ayaan galay oo kuwii hore uyara eg.Mida ugu dameeysay ayaase ugu yaab badneed. Waxa aan soogalay galaska 11aad si lamid ah sidii hore maamulaha ayaa ila socda. Waxa uu isku dayay in uu yar hagaajiyo ardayda galaaska oo si un isugu daadsan. Qaar sameecado ayaa dhagaha ugu jiro kuwo kale miiska ayeey lugaha saarteen. Waxa aan bilaabay in aan lahadlo. ardayda safka hore fadhiso ayaa labolabo u sheekeysana. Dadka safka hore fadhiyo Sedex gabdhood oo Hees kamid ah heesha BK daawanayaan ayaa kamid ah. Inta eey xiisada socoto in aad iska damisaan baa idiin wanaagsan baan ku dhahay. Waxa eeyse iigu warceliyeen ” Macalin in aad nala dhageysatid baa ka wanaagsan”.
Waxa aan ku dadaalay in aan maareyo laakiin kuma aanan guuleysanin ardayda oo dhan waxa eey ahaayeen kuwo si un wax uga khaldanyihiin. Ugu dambeeyn inta aan kursi kurisi ugu tagay baan weeydiyay waxa khaldan. Jawaabahii ugu badnaa ee aan kala kulmay waxa eey ahaayeen macalin caadi iska dhig aan kaa baashaalnee. Maadaama aan arkayay in Maamulka iskuulka uu ardayda kulahaa quruxeey waxa aan ku khasbanaa in aan caadi iska dhigo halkaa maalin ee aan iskuulka joogo.