Kacdoonkii Tiknooligida ee soo bilaawday 20 sano kahor waxa uu bedelay nolosha dad badan oo Somalia ah oo uu siiyayay adeeg isgaarsiin oo loo riyaaqay , kacdoonkaa dadweynha ma aanu siinin isgaarsiin oo kaliya laakiin sidoo kale waxa uu ka caawiyay helida dhaqaalaha asaasiga ah ee foomamka telefoonka ku salaysan Xawaaladaha iyo kaydinta lacagta sida qaab Bangi oo kale ah.
Kobaca sare iyo heerka sare e bilaabashada taleefoonnada gacanta waxa eey wadamo badan oo Africa ah ka saaciday in moobeelada gacanta eey noqdeen bangiyo yaryar. Si gaar ah Somalida waxa eey ka saaciday in inbadan oo bulshasho badan oo aan heli Karin nidaamka bangiyada caadiga eey helaan goob iyo qaab eey kalabixi karan ama ku keydsan karaan kharashaadka iyo dakhilga soo gala.
Sidaa darted maqaalkani waxa uu doonayaa in ku sameeyo dareenkan iyo hal-ku dhegyadaas ay yihiin kuwo ka turjumayo xiriirka adeega telefonada iyo kobaca dhaqaale ee Somalia.
Waxaa jira afar dariiqo oo waaweyn kuwaa oo mudan in laga doodo, mida koowaad habka isticmaalka telefanada ee wax kala iibsasahada, keedka qiimaha arinka sedexaad waxa uu la xiriiraa adeegsiga moobel bankiga casriga ah iyo guud haan badasha adeegsiga telofanada.
Si kastaba ha ahatee Si kor loogu qaado kobaca dhaqaalaha waddanka looguna fudadeeyo dadka danta yar ama ay ku adag tahay helitaanka adeegyo maaliyadeed ayaa shirakadda Hormuud Telecom hirgalisey adeeg casri ah si fudud loogu isticmaali karo si bilaash ah. Arintaas waxey suura galisey in Soomaliya ka mid noqoto waddamada ugu sarreeya dhinaca helida adeegyada maliyadeed”. Sidoo kale adeegan waxa uu ka qeeyb qaatay Kobaca dhaqalaaha iyo nidaamka maaliyadeed ee bulshada taagta daran.